Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Hambalyo u diray Ciidanka Cirka Xuska Sanad-Guuradii 66-aad

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Ciidanka Cirka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), kuwaas oo Maanta u Dabaal-Degaya Sanad-Guuradii 66-aad ee ka soo wareegtay Aas-Aaskooda.

Taliyaha ayaa ku ammaanay Ciidanka Cirka doorkooda Muhiimka ah ee ay kaga jiraan difaaca qaranka, ilaalinta Hawada Dalka, iyo ka qeyb-qaadashada Howlaha Amniga iyo badbaadinta Shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan hambalyo u dirayaa Sarreeyeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil-xigeennada, Alifleyda iyo Dableyda Ciidanka Cirka ee XDS oo maanta u dabaal-degaya xuska sanad-guurada 66-aad ee ka soo wareegatay aas-aaskooda,” ayuu yiri Taliye Ibraahim Maxamed Maxamuud.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa ku boorriyay Ciidanka Cirka inay sii laba jibbaaraan dadaalkooda, isla markaana xoojiyaan wadajirka iyo heeganka ay u hayaan difaaca dalka, si loo xaqiijiyo amni iyo xasillooni waarta.

Ciidanka Cirka Soomaaliyeed oo la aas-aasay 15-kii Feberaayo sanadkii 1960-kii, ayaa muddo Dheer laf-Dhabar u ahaa Difaaca Hawada Dalka, inkastoo ay soo mareen marxalado kala duwan oo Dib-u-Dhis iyo tayeyn ah.