Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa Maanta guddoomiyay Shirka Subaxlaha ee Taliska Guud ee Ciidanka XDS, kaas oo looga hadlay dardargelinta howlgallada socda, Horumarinta iyo dib-u-habeynta Ciidanka XDS, iyo u diyaar-garowga la wareegidda mas’uuliyadda Amniga Qaranka ee lagala wareegayo Ciidamada Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
Shirka ayaa diiradda lagu saaray Xaaladda Amni ee guud ahaan Dalka, u diyaar-garowga Munaasabadaha Maalmaha Xorriyadda, xoojinta howlgallada socda, iyo kor u qaadista heerka diyaar-garowga Ciidanka XDS si ay u gutaan waajibaadkooda Qaran.
Saraakiisha kala duwan ayaa Warbixino ka bixiyay howlaha socda iyo qorshayaasha lagu horumarinayo awoodaha iyo waxqabadka Ciidanka XDS, iyadoo si gaar ah loo adkeeyay muhiimadda Iskaashiga, wada-shaqeynta, iyo isku-duwidda dadaallada lagu xaqiijinayo Amniga Caasimadda Muqdisho.
Ugu dambeyn, Taliyaha Ciidanka XDS ayaa Saraakiisha kula dardaarmay inay sii xoojiyaan dadaallada lagu hormarinayo howlaha mudnaanta u leh Ciidanka XDS.



