Taliyaha ciidanka XDS oo kulan la qaatay maamulka iyo bulshada degmada Baraawe

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulamo kala duwan la yeeshay saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka, saraakiil ka socotay AUSSOM, odayaasha dhaqanka, maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada Baraawe iyo deegaannada ku xeeran.

Kulamada ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xaaladda guud ee amniga degmada Baraawe iyo deegaannada ku hareeraysan, qiimeynta xaaladda amni, xoojinta wada-shaqeynta dhinacyada kala duwan ee saamaynta ku leh amniga iyo dardargelinta dadaallada lagu xaqiijinayo nabadgelyada iyo xasilloonida deegaanka.

Taliyaha ayaa sidoo kale dhageystay warbixinno ku saabsan howlaha amniga, isagoo saraakiisha iyo ciidamada faray inay si buuxda u gutaan waajibaadkooda qaran, una diyaar garoobaan ka hortagga iyo ciribtirka Khawaarijta, si loo xaqiijiyo amniga shacabka iyo xasilloonida degmada Baraawe iyo deegaannada ku xeeran.