Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kulan la Yeeshay Dhiggiisa Dalka Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar Gen. Khaalid, ayaa magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga kulan kula yeeshay dhiggiisa, Taliyaha Ciidanka Dhulka Jamhuuriyadda Turkiga, Gen. Metin Tokel.

Labada taliye ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada ciidan, iyo kor u qaadista cududda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS).

Gen. Khaalid ayaa uga mahadceliyay dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga iyo ciidankeeda garab-istaagga naf-hurnimada leh ee ay la garab taagan yihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo shacabka Soomaaliyeed.

Taliyuhu waxa uu si gaar ah ugu mahadceliyay dowlada Turkey tababarka iyo qalabeynta Ciidanka XDS gaar ahaan Geesiyada sida gaarka ah u tababaran KumaanDooska GorGor

Sidoo kale, Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS iyo wafdigiisa ayaa ka qaybgalay xafladda tartanka wadista Dtoneta oo ka dhacday magaalada Ankara, ayna ka qaybqaateen daljirayaal ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

FB_IMG_1792995281506.jpgFB_IMG_1792995275967.jpgFB_IMG_1792995272581.jpg