Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “Gen. Khaalid”, oo howlo shaqo u jooga Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo, ayaa kormeer ku tagay Buundada Baardheere oo burbur xooggan uu ka muuqdo, isla markaana gabi ahaanba go’an oo aan shaqaynayn.
Taliyaha iyo Saraakiishii kormeerka ku wehlinaysay ayaa sidoo kale u kuurgalay xaaladda guud ee webiga mara Magaalada Baardheere, gaar ahaan Labada dhinac ee jiinka webiga, iyagoo qiimeeyay xaaladaha Amni iyo nololeed ee halkaasi ka jira, xilli laga cabsi qabo fatahaado waaweyn oo la saadaalinayo inay ka dhacaan qaybo ka mid ah Soomaaliya.
Taliyaha Guutada 36-aad ee Qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, G/le Sare Cismaan Sheekh Cabdi “Qorax”, iyo Maamulka Degmada Baardheere oo uu wehlinayay Maareeyaha Garoonka Degmada Baardheere, Jaamac Cali Hiire, ayaa Taliyaha iyo Saraakiisha la socotay Warbixin ka siiyay xaaladda Amniga ee jiinka webiga iyo baahiyaha aasaasiga ah ee ka jira Deegaanka.
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS ayaa ballanqaaday in wax laga qaban doono caqabadaha ka jira Deegaanka, iyadoo mudnaanta koowaad la siinayo dib-u-dayactirka Buundada Baardheere oo burburkeedu sababay in gabi ahaanba aysan shaqayn.
Buundada Baardheere ayaa muhiim u ah isu-socodka Bulshada iyo Gaadiidka, iyadoo burburkeedu caqabad weyn ku yahay isku xirka Labada dhinac ee webiga iyo gaarsiinta adeegyada muhiimka ah ee Bulshada.





