Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo degmada Ceeldheer ka wada dhiirrigelinta Ciidanka

Dhuusamareeb-(SONNA)-Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ka wada dhiirrigelinta geesiyaashii jabiyey khawaarijtii dhawaan soo weerartay degmadaas.

Taliyaha ayaa booqday fadhiyada kala duwan ee ciidanka xoogga, isagoo xog waraysi iyo dhiirri gelin kula qaatay furimaha hore ee dagaalka, wuxuuna si gaar ah ugu ammaanay sida geesinimada leh ugu hortagay cadowga.

“Waxaa laydinka rabaa wacdarihii aad dhigteen iyo kuwo ka badan inaad muujisaan, cadowga weli cadowgu wuu nala joogaa, waxaana laydinka rabaa intii iyo in ka badan inaad samaysaan”.

Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa ciidanka kula dardaarmay in ay ilaaliyaan anshaxa iyo shuruucda dagaalka, wuxuuna sheegay in ay heli doonaan dallacsiin iyo abaalmarinno.