Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gen. Sahal Cabdullaahi Cumar, oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka XDS, ayaa gaaray magaalada Baydhabo, oo ah xarunta ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Taliyaha ayaa garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ee Baydhabo waxaa ku soo dhaweeyay Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gaashaanle Sare Isxaaq Aadan (Isxaaq Berdaale), iyo saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka XDS.
Intii uu ku sugnaa garoonka, Taliyaha ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Soo dhaweynta kaddib, Taliyaha iyo saraakiisha la socotay ayaa kulan gaar ah la qaatay saraakiisha Taliska Qeybta 60-aad iyo ciidamada XDS ee ka howlgala magaalada Baydhabo, iyagoo kala hadlay xaaladda ciidamada iyo dardargelinta howlaha amni.
Booqashada Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo ciidamada, dhiirrigelinta askarta iyo dardargelinta howlgalada ka dhanka ah kooxaha argagixisada ee ka howlgala deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya.




