Taliyaha Ciidanka Dhulka Rwanda oo Muqdisho lagu soo Dhaweeyay

Muqdisho (Wargeyska Dalka): Taliyaha Ciidanka dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta kusoo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Jamhuuriyadda Rwanda, Major General Vincent Nyakarundi.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Rwanda ayaa ka qeybgeli doona Kalfadhiga 35-aad ee Taliyayaasha Ciidamada iyo Wasiirrada Gaashaandhigga ee dalalka ku bahoobay Ciidamada Heeganka Afrikada Bari (EASF), kaasoo ay Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya martigelinayso, laguna gorfeeyn doono xoojinta iskaashiga amni iyo doorka wadajirka ah ee nabad-ilaalinta gobolka.