Taliyaha ciidanka Dhulka oo gaaray deeeganka Biya-cadde ee gobalka Shabeelaha dhexe

Taliyaha ciidanka dhulka xogga dalka Soomaliyeed G/ sare dayax Cabdi Cabddulle oo ay wehliyaan Masuuliyiin kale ayaa gaaray deeeganka biyacadde ee gobalka Shabeelaha dhexe.

Saraakiil ka tirsan xoogga dalka oo fadhigodu yahay deegaanka Biyacadde ayaa halkaas ku soo dhaweeyay Wefdiga taliyaha, ujeedka socdaalka ayaana ah dardar galinta howlgalka Ciribtirka Khawaarijta.

Degaanno katirsan shabeellaha dhexe waxaa ka soconayo howlgallo ka dhan ah khawaarijta,halkaa oo lagu dilay Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad.badan oo katirsan khawaarijta.