Taliyaha Ciidanka Dhulka oo booqday Taliska Ciidanka ee Arbacow

Wafdi Saraakiil ah oo uu hogaaminayo Taliyaha Ciidanka dhulka Gen. Dayax Cabdi Cabdulle ayaa safar isu Jira kormeer iyo dhiiri gelin ku tegay Xerada ciidanka Arbacow oo gobalka shabelada hoose.

Xeradan ayaa fariisin u ah cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka waxaana halkaa saraakiisha ku Soo dhameeyay Taliyaha guutada 14 October  ee Ciidankan Xoogga dalka G/le dhexe Nuur Maxamed Gaabow (Nuur-farey).

Taliyaha ayaa qudbad u jeediyay guutada 14 October Oo maalmihii la Soo dhaafay howlgallo lagu baacsanayo ka weday qaybta ka tirsan shabelada hoose.

Taliyaha ayaa Ciidanka u sheeegay in la doonayo in kaalin mugleh ay ka qaataan la dagaalanka argagixiso waxa uuna faray Ciidankan iyo saraakiishooda in la dedejiyo dagaalka lagu baacsanayo argagixisada ee ka socda shabelada hoose.

Safarkan waxaa qayb ka ahaa taliyaha howl gelinta ee Ciidanka Xoogga dalka.