Taliyaha Ciidanka Dhulka oo bogaadiyay howlgalladii ka dhacay Galgaduud

Taliyaha Ciidanka Dhulka Gen Dayax Cabdi Cabdulle oo ku sugan jiidaha hore ee lagula dagaallamayo khawaarijta ayaa Ciidanka xoogga ku amaanay dhabar adeyga iyo ka mira dhalinta hadafka naf hurnimada leh ee lagu naafeeyay cadowga.

Taliyaha ayaa ku bogaadiyay ciidanka Xogga iyo kuwa deegaanka shaqada culus ee ay shalay ka qabteen koxda canaasirta ah ee khawaarijta, waxa uuna taliyuhu faray saraakiisha iyo ciidanka in la xoojiyo shaqada qaran ee loo idmaday.

Gen Dayax Cabdi Cabdulle ayaa booqday fariisimaha Ciidanka Xogga iyo madaalayaasha deegaanka, wuxuuna ciidanka  naf hurnimada sameeyay ugu hambalyeeyay mas’uuliyadda iyo kartida ay muujiiyen oo ah dabar goynta argagixisada.