Taliyaha Ciidanka Dhulka ee xoogga dalka oo sheegay in la dilay 127 katirsan Al-Shabaab

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee xoogga dalka Janeraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa Sheegay in argagixisada laga saaray degaannada iyo degmooyinka Gobolka Hiiraan intooda badan soona afjareen ciidamadu, sidoo kalena ay socdaan howlgallada degaannada Gobolka Galgaduud ay ùga saarayaan argagixisada.

Taliyaha oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka ay howlgaladii ka socda Gobolka Hiiraan ku dileen in ka badan 127 dagaalame oo katirsan Maleeshiyada Al-Shabaab, isaga oo u mahad celiyay Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka oo guula la taaban karo ka gaaray howlgaladii argagixisada looga saaray degaanno badan oo katirsan Gobolka Hiiraan

Howlgalada ka dhanka ah kooxaha argagixisada Al-Shabaab aya dhawanaha ka socday degaanada cadwga oo gacanta ku hayay ee katirsan Gobolka Hiiraan,iyadoona degaladaasi ciidamada dowladda ay ka gaareen guula,waxan sida ay sarkiishu sheegaty dowlada Soomaaliya ka go’an in meelaha kale maleeshiyada argagixisada dalka ka joogto laga xoreeyo si ay shacabku u helaan nabad iyo xasilooni.