Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka oo gaaray Beledweyne

Wafdi saraakiil ah oo Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Masúuliyiin uu ka mid yahay guddoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan ayaa Taliyaha iyo saraakiisha kale ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne.

Taliye Biixi ayaa saraakiisha iyo maamulka gobolka Hiiraan uga mahad-celiyey soo dhaaweynta loogu sameeyey garoonka, halka maamulka gobolkaas uu shaaciyey in aad loogu baahnaa imaatinka Taliyaha, si loo sii xoojiyo dadaallada Nabadiidka Al-Shabaab looga xoreynayo gobalka Hiiraan.

Magaalada Beledweyne ayaa ka mid ah magaalooyinka marti gelinaya doorashada xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka 11-aad.

Waxaa haatan Beledweyne laga dareemayaa u diyaar garow bulshada magaaladaas ay ugu jirto marti-gelinta doorashada xubnaha golaha shacanbka ka soo gelaya gobolka Hiiraan.