Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi “Gen. Khaalid” ayaa gaaray aagga deegaanka Teedaan ee Gobolka Hiiraan, isagoo booqday difaacyada hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Taliyaha waxaa socdaalka ku wehliyay Taliyaha Taliska Tababarada iyo Doctrine-ka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed General Axmed Ciise Axmed, iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Col. Cali Cageey, ayaa Taliyaha iyo saraakiisha la socotay ku soo dhaweeyay difaacyada hore ee Ciidamada, isagoo warbixin ka siiyay xaaladda guud iyo howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta.
Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi ayaa ciidamada ku ammaanay naf-hurnimada iyo geesinimada ay muujinayaan iyo sida ay mar waliba ugu foojigan yihiin dhagaraha cadowga iyo casharrada ay ugu dhigayaan furumaha dagaalka.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ka dhan ah Khawaarijta ka wada qeybo ka mid ah Gobolka Hiiraan.









