Taliyaha ciidanka cirka Soomaaliya oo la kulmay Saraakiil ka socota dalka Pakistan

Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliya Sarreeye guuto, Maxamuud Sheekh Cali ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Cirka dalka Pakistan.

Saraakiishan ayaa u imid Soomaaliya inay qiimeeyaan baahiyaha ciidanka cirka, si ay door lixaad leh ugu qaadato Pakistaan dib u dhiska ciidanka cirka Soomaaliya.

Pakistaan ayaa ka mid ahayd waddamii gacanta ka geystay dhismaha ciidanka cirka Soomaaliya, iyadoo haatan la filayo inay soo celiso Pakistaan doorkii ay ku lahayd tababaridda iyo qalabaynta ciidanka cirka Soomaaliya.