Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa hambalyo ku aaddan Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed u diray dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, oo ay ka mid yihiin Saraakiisha, Saraakiil Xigeennada, Alifleyda, Dableyda iyo Qoysaskooda, munaasabadda Xuska Sanad-Guuradii 82-aad oo ku beegan maanta.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya “Maanta waa maalin muhiim u ah Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaana u Dirayaa Hambalyo Dhammaan Ciidanka.”ayuu yiri Taliyuhu isagoo sidoo kale na faray in la sii laba jibaaro waajibka Qaran ee saaran Ciidanka Booliska.

