Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo gaaray dalka Turkiga

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin iyo Wafti Saraakiil Boliiska ah oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Wafdiga ayaa waxaa ka mid ah Taliyaha qeybta guud ee Boliiska Gobolka Banaadir, Gaashaanla Sarre Mahdi Cumar Muumin iyo Taliyaha hoggaanka baarista dembiyada CID Gaashaanle dhexe, Maxamed Cabdi Wahaab (Anwar).

Safarka ayaa daarranaa iskaashi iyo adkeynta xiriirka walaaltinimo ee ka dheexeeya BoliiskaTurkiga iyo kan Soomaaliya, waxaana Taliyaha iyo waftigiisa kusoo dhoweeyay xarunta taliska dhexe ee Booliska Turkiga dhigiisa Sareeye Guut. Dr. Salmi Altinok.

Qodobbada ugu waaweyn ee la isla gorfeeyay ayaa waxaa ka mid ahaa sidii sare loogu qaadi lahaa loona tayeeyn lahaa xirfadaha Boliiska, kordhinta tirada iyo tayada Ciidanka Boliiska gaarka ah ee Haramcad, kuwaas oo ay taakuleeyso xarunta Ožil Harakat oo qayb ka ah Boliiska gaarka ah ee Dalka Turkiga.