Taliyaha ciidanka Booliska oo wax ka baddalay adeegga dadweynaha ee uu bixiyo hoggaanka barista dembiyada CID

-Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto. Sulub Axmed Firin, ayaa kormeer u kuurgelid ah ku tagay xarunta Hoggaanka Baarista Dembiyada ee CID-da,  halkaas oo loogu adeego Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gudaha iyo Dibada Dalka.

Taliyaha ayaa kormeeray dhamaan Qeybaha iyo Waaxaha ay ka koobantahay CID-da, sidoo kale cabashadooda dhageystay muwaadiinta Soomaaliyeed ee adeega sugayay, iyada oo laga duulayo cabashada dadweynaha ayuu Taliyuhu soo saaray amaradda soo socda;-

1- Waxaa la mamnuucay qof udhaxeeya adeeg-bixiyaha iyo muwaadinka loo adeegayo.

2- Waxaa meesha laga saaray in muwaadiniintu ay adeeg sugaan waqti dheeraad ah oo laga maarmikaro. Isma markaana, adeega loogu qabto saacado gudahood.

3- Waxaa si faahfaansan loola wadaagidoona Bulshada habsami usocodka adeegan.

Ugudambeyn, Waxaa uu taliyuhu uga mahadceliyay muwaadiniinta cabashadooda la wadaagay, wuxuu u balanqaaday kormeer iyo korjoogteyn joogto ah.