waxa maanta Magaalada Muqdisho lagu qabtay munaasabadda xarig-jarka xarunta Taliska Ciidanka Haramcad, kaddib markii dib-u-dayactir ballaaran lagu sameeyay xarunta.
Xafladda ayaa waxaa ka qayb galay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cusmaan Diyaano, saraakiil ka socotay Safaaradda Turkiga, Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Macallin, iyo Taliyaha Ciidanka Haramcad, Dhamme Cabdikhaakiin Siciid Eeldheere.
Intii lagu guda jiray munaasabadda, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Asad Cusmaan Diyaano ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay Taliyaha Ciidanka Haramcad, isagoo ku bogaadiyay dadaalka iyo is-xilqaanka uu ku hirgeliyay dib-u-dhiska xarunta, isla markaana ku ammaanay doorka uu ka qaadanayo horumarinta iyo tayeynta ciidamada.
Dhanka kale, saraakiisha ka socday Safaaradda Turkiga ayaa si weyn ugu hambalyeeyay Taliyaha Ciidanka Haramcad Dhamme Cabdikhaakiin Siciid Eeldheere, iyagoo ku tilmaamay hoggaamiye isbeddel muuqda kusoo kordhiyay Taliska Haramcad, kana dhigay xarun casri ah oo u qalanta ciidamada.