Taliyah Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabullaahi oo uu wehliyo Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed ayaa shir Gudoomiyey kullan looga hadlayey Sugidda Amniga Doorashooyinka ee dhawaan ka qabsoomaya Caasimadda dalka iyo u diyaar garowga xuska Sanad guuradii 82-aad ee ka soo wareegatay Asaaska Ciidanka Booliiska .
Taliye Asad ayaa saraakiisha faray in la dardargeliyo howlaha sugidda Amniga si gaar ahna la isaga xil saaro Ilaalinta Goobaha ay tagayaan dadweynaha Cod bixiyaasha ah, sidoo kale taliyaha ayaa saraakiisha kala dardaarmay in waayeelka , Haweenka iyo dadka Naafada caawin gaara loo sameeyo.


