Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto, Asad Cismaan Cabdullahi ayaa shir guddoomiyay Shirka Taliyaasha Hoggaanada, Qeybaha iyo Fadhiyada Madaxa Banaan oo lagu qabtay Taliska Daraawiishta Booliiska
Taliyaha ayaa warbixino ka dhageystay Saraakiisha Sare wuxuu carabka ku adkeeyey in lasii xoojiyo sugida Amniga guud ee Dalka gaar ahaan midka Caasimadda,
Ugu dambeyntii wuxuu kula dardaarmay in ay waajib tahay ilaalinta madax banaanida iyo wadajirka Dalkeena.


