Taliyaha ciidanka Booliiska oo shirguddoomiyey kulan looga hadlayo la dagaalanka khawaarijta

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo uu wehliyo Taliye ku xigeenka Ciidanka Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed ayaa Akadamiyadda Jeneraal Kaahiye ku shir gudoomiyey kulan looga hadlayey dardargelinta Dagaalka ka dhanka ah Khawaariijta iyo Xoojinta ammaanka guud ee Dalka .

Waxaa kulanka Warbixino ku saabsan guud ahaan Ammaanka Gobolada Dalka kasoo jeediyey Saraakiisha Amniga u xilsaaran waxaana si qoto dheer loogu falan-qeeyey guulaha iyo Caqabadaha Howlgalka ka dhanka ah Khawaariijta banaystay daadinta dhiigga Shacabka Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa shacabka uga mahadceliyey Baraaruga iyo garab istaagga ay Ciidamadooda furimaha jooga u muujiyeen,Saraakiisha iyo Ciidamadana waxa uu faray in shacabka xogaha amaan ee ay la wadaagayaan si dhakhso leh uga howlgalaan si loo soo afjaro Khawaariijta duulaanka ku ah Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.