Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa shir guddoomiyay kulanka todobaadlaha ah ee Hoggaannada, Qeybaha, Fadhiyada Madaxa-bannaan ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga dalka, kor u qaadista hufnaanta shaqada xubnaha Ciidanka, horumarinta xirfadaha kala duwan ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, iyo dardargelinta hirgelinta qorshayaasha istaraatiijiga ah si loo xoojiyo tayada adeegyada iyo gudashada waajibaadka Qaran.

