Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo kulan la qaatay Culimaa’uddiinka

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa kulan la qaatay maanta qaar ka mid ah Culumaa’uddiinka Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa Culimada kala hadlay in ay ka qayb qaataan dedaallada lagu xoojinayo Nabadda, dib u heshiisiinta, wadajirka bulshada iyo dabar goynta fikirka xagjirka ah ee Khawaarijta.