Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa xarigga ka jaray Dhismaha Dugsiga Qur’aanka Kariimka ee Gabdhaha Agoonta Boliiska

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa xariga ka jaray Dhismaha Dugsiga Qur’aanka Kariimka ee Gabdhaha Agoonta Boliiska iyo Dhismaha Interaloog oo lagu soo kordhiyey xarunta lagu barbaariyo Caruurta Boliiska soomaaliyeed.

Dhismayaasha iyo dib u habeynta balaaran ee mudada kooban lagu sameeyey xaruntan ayaa saldhig u ah fulinta balan qaadkii Taliyaha ee la xiriiray in uu si buuxda daryeel iyo garab istaag u siinaayo qoysaska Askartii Boliiska ee geeryootay.