Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay Saraakiil ka Socotay Dowlada Tukiga.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Saraakiil ka Socotay Dowlada Tukiga.
Kulankan ayaana daarnaa sidii loo dar dag galin lahaa tababarada iyo tayeynta Ciidanka Booliska Soomaaliya iyo sidii loo sii wadi lahaa tababarada ay siiyaan Ciidanka Boliiska Gaarka ah ee Haramcad.

Saraashiishan oo ka socday Turkiga ayaa Sheegay in ay ka go’antahay dar dar galinta tababarida iyo tayeynta Ciidanka Soomaaliya si ay awood ugu yeeshaan lawareegidda guud ahaan amniga dalka Soomaaaliya.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeye Guuto Sulub axmed Firin ayaa kaga mahad celiyay Saraashiisahan iyo Dowladooda sida ay ugarab taagan yihiin tayeeynta iyo Tababarada Ciidamada Soomaaliya Gaar ahaan Ciidamada Booliska ah ee Haramcad.