Taliyaha Ciidanka Boliiska oo Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda UNDP Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda UNDP Soomaaliya Lionel Laurens iyo masuuliyiin sare oo Xafiiskiisa ka socda.

Kullan gaar ah oo Taliyaha dhankiisa ay ku wehliyeen Saraakiil katirsan Boliiska ayaa looga hadlay sugidda Amniga Diiwaangelinta Codbixiyaasha iyo Doorashada maadama Boliiska u xilsaaran yahay ilaalinta Amniga muwaadiniinta,xoojinta wada shaqeynta labada dhinac iyo derdergelinta howlaha horumarinta Ciidanka.