Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed C/Kariin cali Afrax oo maalmahaan ku sugnaa Dalka Sacuudi carabiya,isla markaana soo dhameystay booqasho shaqo ayaa madaxda Dalka Scodsaday in loo dhimriyo maxaabiista Soomaalida ee ku jirta xabsiyada dalkaasi,
Taliyaha oo muddo dhowr cisho ah joogay Magaalada Jiddah,ayaa booqday xabbsiyada ku yaalla Magaalada Jiddah ee ay ku jiraan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan Shimees iyo Dabbaan ,,
C/Kariin cali Afrax oo u kuurgalay xaaladda maxaabiista ayaa madaxda Wasaaradda Arrimaha Gudah ka dalbaday in la cafiyo maxaabiista waqtiga gaaban,isla markaana sanadaha lo yareeyo kuwa xiran waqtiga dheer.
Sidoo kale, Taliyaha ayaa dalbaday in la daboolo guud ahaan baahiyaha dadka maxaabiista ah ee ku jira xabsiyada dalkaasi.
Wafdiga uu hoggaaminaayey taliyaha waxaa garoonka Magaalada Jiddah ku soo sagootiyay madax ka socotay Arrimaha Gudaha,kuwa xabsiyada iyo Qunsulka Soomaalida ee Jiddah Axmed Maxamuud Diiriye Macruuf