Taliyaha Ciidanka Asluubta oo la kulmay Agaasimaha Guud ee Maamulka Xabsiyada Algeria

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, oo uu wehelinayo Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Aljeeriya, Danjire Yuusuf Axmed Xasan Yuusuf Jiigo, ayaa kulan la yeeshay Agaasimaha Guud ee Maamulka Xabsiyada iyo Dib-u-dhexgelinta Maxaabiista bulshada ee Dalka Aljeeriya, Mudane Saciid Zarab.

Kulanka ayaa ka dhacay xarunta guud ee Maamulka Xabsiyada iyo Dib-u-dhexgelinta Maxaabiista Bulshada ee caasimadda Aljeeriya.

Kulanka oo ay sidoo kale ka qaybgaleen qaar ka mid ah mas’uuliyiinta sare ee maamulka dhexe, ayaa labada dhinac waxay ka wada hadleen arrimo la xiriira hawlaha iyo shaqada waaxda xabsiyada, iyadoo kulanku qayb ka ahaa booqashada wafdiga Soomaaliyeed ay ku joogaan dalka Aljeeriya.

Dhanka kale, kulanka waxaa barbar socday munaasabad is-weydaarsi abaalmarinno sharafeed ah, iyadoo Agaasimaha Guud ee Maamulka Xabsiyada iyo Dib-u-dhexgelinta Maxaabiista Bulshada ee Aljeeriya uu guddoonsiiyay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed abaalmarin sharafeed, halka Sarreeye Guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud uu isaguna abaalmarin guddoonsiiyay dhiggiisa Aljeeriya, taas oo muujinaysa qaddarinta booqashada iyo xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dhinac.

Sidoo kale, Safiirka Soomaaliya ee Aljeeriya ayaa abaalmarin sharafeed guddoonsiiyay Agaasimaha Waaxda Shuruudaha Xabsiyada, Mudane Bin Ciise Cali, ka hor inta aan booqashada lagu soo gebagebayn sawir wadajir ah oo lagu xusuusanayo munaasabadda.

Booqashadan ayaa ku soo beegantay ka-qaybgalka wafdiga Soomaaliyeed ee kalfadhigii 42-aad ee Golaha Wasiirrada Cadaaladda Jaamacadda Carabta, kaas oo ay martigelisay Jamhuuriyadda Aljeeriya 10-kii iyo 11-kii Nofeembar 2026, iyadoo ay ka qaybgaleen wasiirro, mas’uuliyiin iyo wakiillo ka socday wasaaradaha cadaaladda ee dalalka Carabta.

Booqashadu waxay qayb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo xiriirka hay’adaha iyo is-weydaarsiga khibradaha iyo waayo-aragnimada ee u dhexeeya hay’adaha u qaabilsan maamulka xabsiyada iyo dib-u-dhexgelinta labada dal ee walaalaha ah.