Muqdisho,(Wargeyska Dalka):- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa kulan la-qaatay Taliyaha Howlgallada Dowladda UK Ee Soomaaliya, Colonel Andy Seddon, Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada difaaca iyo howlgallada iyo horumarinta xiriirka Milatari ee ka dhexeeya Dalalka Soomaaliya iyo UK.
Intii uu kulanku socday, Taliyaha Ciidanka Xoogga Ibraahin Maxamed ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la-xoojiyo Xiriirka Taariikhiga ah ee labada Dal iyo Iskaashiga dhow ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo UK.
Dhankiisa Taliyaha Howlgallada ee Dowladda UK, Colonel Andy Seddon, ayaa xaqiijiyay sida ay Dowladda UK ksa go’an tahay sii wadidda taageerada ay siiso Soomaaliya, si loo xoojiyo Amniga, Xasilloonida iyo horumarinta Awoodda Ciidanka XDS.





