Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa Saraakiil Baarayaal ah oo ka kala socdo Maamul Goboleedyada Dalka u soo xiray Tababar lagu horumarinayo Xirfadooda.
Hogaanka Qorshaha iyo Tababarada Ciidanka Boliiska ayaa sheegay in Baarayaashan lagu Tababaray Cilmiga Fooraansi sayniska, maareynta goobta Dambiyadu ka dhacaan, habka Waraysiyada looga qaado dhibanaha iyo Markhaantiga iyo sida loo adeegsado dhijitaalka marka cadeymaha la soo bandhigayo.
Taliyaha ayaa Baarayaasha kula dardaarmay in wada shaqeynta dhexdooda xoojiyaan cilmiga la barayna ku howlgalaan , saaxiibada shaqo wadaaga ay yihiina la wadaagaan aqoonta ay soo faa’iideen.