Taliyaha Booliska oo Safaaradda Maraykanka kala wareegay gaadiid ay ku taageertay

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed sarreeye guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa safiir ku xigeenka safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya Mr. Steven Gillen kala wareegay gaadiid Dawladda Maraykanka gaar ahaan waaxdeeda la dagaalanka Argagixisadu ugu talagaleen Ciidanka Booliiska.

Munaasabad kooban oo wareejinta gaadiidka loo qabtay ayuu Taliyuhu uga Mahadceliyey Dawladda Maraykanka taageerada iyo garab istaagooda, waxaana uu sheegay in Ciidamada gaarka ah ee la dagaalanka Argagixisada qeybna ka ah Booliiska oo horumarin balaaran lagu sameeyey gaadiidkan adeegsan doonaan.