Taliyaha Booliiska oo shir guddoomiyey kulanka hoggaanada Booliiska

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa maanta shir gudoomiyey Kulanka Todobaadlaha ee Hoggaanada, Fadhiyada Madaxa Banaan ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, kaas oo looga hadlay Arrimaha Amniga gudaha.

Sidoo kale waxaa shirka looga hadlay kor u qaadida tayada Akadamiyadda Ciidanka Booliiska oo muhiimaddu tahay soo saarida Ciidan ay ka muuqato aqoon iyo xirfad Boolisnimo.

Dhanka kale waxaa kulanka lagu lafa-guray in Ciidanka lagu baraarujiyo ku dhaqanka Anshaxa oo hadda wixii ka dambeeya xisaabtan adag laga marinayo Ciidanka iyo Saraakiisha guud ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Yoonis Duraan Cali