Taliyaha Boliiska Soomaaliya oo kormeeray goobaha doorashada ee golaha deegaanka

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cisman Cabdullaahi iyo saraakiil kale oo la socday ayaa kormeeray  inta badan xarumaha degmooyinka  ee loo diyaariyey in ay ka codeeyaan dadweynaha ku dhaqan Gobolka Banaadir.

Taliyaha Ciidanka Boliska waxaa kormeerkiisa ku wehelinayeen Taliye ku xigeenka Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi  iyo Taliyaha Qeybta Guud Ee Boliiska Gobolka Banaadir  G/Sare Mahdi Cumar Muumin iyo saraakiil kale oo muhiim ah.

Taliyaha ayaa u kuur galay sida loo xoojiyey amniga iyo xaalada ciidanka ay ku sugan yihiin  wuxuuna warbixino ka dhageystey  saraakiisha hoggaaminaysa  ciidanka jooga  xarumaha loo cayimay in ay bulshada ka codeeyaan