Taliska nabad gelyada waddooyinka oo Caasimadda ka hirgeliyay tabbeelayaasha jiifka ee nabad-gelyada

Ciidanka Qeybta Guud Nabad-gelyada Waddooyinka (Taraafiko) oo uu hoggaaminaayo Taliyaha Qeybta Guud Nabad-gelyada Waddoyinka S/Guuto; Bishaar Abshir Geeddi ayaa isgoyska shaqaalaha ka hirgeliyay tabbeelayaasha jiifka ee nabad-gelyada Waddooyinka.

Gen; Bishaar “Waxaa naga go’an in tabbeelayaasha kala duwan ee nabad-gelyada waddooyinka aan ka hirgelinno dhammaan isgoysyada Caasimadda”.

Taliyaha ayaa sheegay in ay si habsami leh u socdaan isla markaana meel fiican ay marayaan hirgelinta Astaamaha Nabad-gelyada Waddoyiinka gaar ahaan tabbeelayaasha jiifka ah.

Taliye Bishaar ayaa muwaaddiniinta Soomaaliyeed faray in ay u hoggaansamaan shuruucda nabad-gelyada waddooyinka si ay u badbaadaan nafta iyo maalka bulshada.