Taliska Mareykanka Afrika oo wada qorshe si daahfurnaan ah loogu tebinaayo waxyeelada rayidka

“Waa muhiim inaan ilaalinno daahfurnaanta howlgallada ee dhinaca tabinta khasaaraha shacabka ka soo gaara dagaalada iyo duqeymaha,” ayaa lagu yiri warbixin uu soo saaray Gen. Stephen Townsend, oo ah taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika.

Warbixintasi ayaa lagu xusay in ay sii wadi doonnaa turxaan bixinta howlgallada si loo hubiyo la-hawlgalayaasha iyo dadweynahaba in ay aqoonsadaan sida Mareykanka ay uga go’an tahay in la yareeyo qasaaraha soo gaara dadka rayidka ah .

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu muujiyay in la raadinayo siyaabo lagu kordhin karo daahfurnaanta si loo tixgeliyo aragtida kale ee ku saabsan geeddi-socodka,iyadoo si daacadnimo ah iyo wadahadal loola galayo Ururada aan Dowliga aheyn.

Warbixinta ayaa lagu qeexay in cadaadiska la saarayo shabakadda al-Shabaab uu yahay mid muhiim ah,waxaana intaa la raaciyay in la adeegsanayo habab kala duwan oo lagama maarmaar u ah danaha amniga ee Soomaaliya iyo Mareykanka.