Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa Tacsi tiiraanyo leh u diray Qoyska, Ehelka, Qaraabada iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, geerida ku timid Alle ha u naxariistee Jeneraal Maxamuud Geescade.
Taliyuhu waxa uu Marxuumka ku tilmaamay halyey Qaran oo door muhiim ah ka soo qaatay difaaca Dalka iyo u adeegidda Qaranka Soomaaliyeed.
Ugu dambayn, Taliyuhu waxa uu Alle (SWT) uga baryay in uu Marxuumka Jannatul Firdowsa ka waraabiyo, Qoyskiisa, Ehelkiisa iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeedna uu ka siiyo samir iyo iimaan.
Innaa Lillaahi wa Innaa Ilayhi Raajicuun.

