Taliska Ciidanka Xoogga ay qaadanayo Layli Sarakiil Cusub oo dalka dibadiisan wax lagu soo bari doono

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu qaadanayaa Layli-sargaal cusub oo dalka dibadiisa wax lagu soo baridoono hadaba dhalinyaradda jecel inay kamid noqdaan waxaa laga doonayaa shuruudaha soo socdo.

1-inuu yahay Soomaali
2-inuu maskax ahaan iyo jir ahaan caafimaad qabo
3-waa inuu haystaa Shahaadada dugsiga sare ee wasaaradda waxbarashadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
4-shahaadadiisu waa inay ahaataa sanad dugsiyeedka 2022 -2023
5-waa in aysan ka hooseynin celceliska natiijada imtixaanka shahaada B iyo Wixii ka sareeya
6-soo codsadaha da,diisu waa inay u dhexeeysaa 18-sano jir ilaa 22 sano jir

Hadaba cidii daneeyneeyso inay ka faaiideysato fursadaan uu soo bandhigay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaa laga doonayaa in Email-kan j7@xds.gov.so ku soo dirsado warqad codsi ah shahadada dugsiga sare iyo Telefoonka lagala xiriiri karo wixii faah faahin dheerad kala xiriir Tilifoonkan +252615572850