Taliska Ciidanka ilaalinta deegaanka Xamar oo ka digay ka ganacsiga maandooriyaha

Taliyaha howlgelinta Ciidanka ilaalinta deegaanka Xamar Sharma’arke Caddow Tuur-Yare ayaa sheegay in dowladda hoose ay ka go’an tahay la dagaallanka maandooriyaha.

Taliyaha oo saxaafadda kula hadlayay xafiiskiisa ayaa sheegay in maalmahan ay laba laabeen howlgallo ka dhan ah anshax xumada iyo maandooriyaha, wuxuuna xusay in ay albaabbada u laabeen goobo lagu iibiyo waxyaabaha maandooriyaha ah soona qabteen dadkii ku lug lahaa.

Taliyaha howlgelinta Ciidanka ilaalinta deegaanka Xamar Sharmaarke Caddow Tuur-Yare ayaa bulshada ku dhaqan Caasimadda ugu baaqay in ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka gaar ahaan ciidanka ilaalada deegaanka, wixii hadda ka dambeeyana Muqdisho ay mabnuuc ka tahay in lagu gado qaybaha kala duwan ee maandooriyaha.

Taliye Sharma’arke ayaa ugu dambayn waaliddiinta ugu baaqay in ay la socdaan ilmahooda maaddaama dadka isticmaala maandooriyaha ay u badan yihiin dhallinyaro aad u da’yar oo laga yaabo in la qalday.