Taliska ciidanka Booliiska Magaalada Gaalkacyo oo gacanta ku dhigay Kooxo burcad ah.

Taliska ciidanka booliiska degmada Gaalkacyo ayaa faah- faahin ka bixiyay howlgalo lagu sugayay amniga oo ay ka sameeyeen Magaladaas saddexdii maalmood ee u dambeysay.

Inta ay howlgaladaas socdeen ciidamada  Amniga ayaa gacanta ku dhigay in kabadan 15 Qof oo dhacdooyinkaas loo soo qab qabtay kuwaas oo qaarkood ay hubeysnaayeen.