Taliska booliska Soomaaliya oo faah-faahin ka bixiyay qarax ka dhacay Gaalkacyo

Gaalkacyo – Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in saddexda qof ee ku dhimatay qaraxa Gaalkacyo ka dhacay ay dhammaantood ahaayeen naftood haligayaal doonayay in ay dadka shacabka qaraxa ku laayaan.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Gaashaanle Sadiiq Aadan Cali ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in saddexda naftii halige ay doonayeen inay dhibaateeyaan bulshada, balse uu Alle iyaga ku sababay inay ku dhintaan qaraxa ka dhacay Bajaajka ay saarnaayeen.