Taliska Booliska gobolka Mudug oo gacanta ku dhigay maan dooriye

Ciidamada Booliska gobolka Mudug oo xalay howlgal qorsheysan ka sameeyay galbeedka magaalada Gaalkacyo ayaa gacanta ku soo dhigay 20-kartoon iyo gaari waday khamro la doonayay in si dhuumaalaysi looga ganacsado.

Kooxda wadatay  khamrada iyo ciidanka booliska waxaa dhexmartay israsaasayn kooban, ma jirto wax khasaaro ah oo ka dhashay israsaaseyntaas.

Ciidamada ammaanka magaalada Gaalkacyo ayaa maalmahan dambe waxa ay wadeen howlgal ballaaran oo lagu xaqiijinayo ammaanka, sidoo kalena lagula dagaallamayo waxyaabaha maanka dooriye.