Taliska Booliska Gobalka Bari oo kulan ka yeeshay Amniga Magaalada Boosaaso

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa kulan looga hadlayay amniga la qaatay Taliyeyaaasha Saldhigyada iyo Gudoomiyaasha u xil saaran Amaanka Xaafadaha Bosaaso si loo dardargaliyo amniga magaalada iyo isku xirka Booliska iyo bulshada xafadaha ay ka koobantahay magaalada Boosaaso.

Gudoomiyaasha Xafadaha Bosaaso ayaa Taliska Booliska ku Amaanay wada shaqeynta Buuxda iyo isku xiritaan markii ay u baahdaan laamaha amaanka si ay uga jawabaan cabashooyinka ka yimaada xafadaha ay xukumaan.

Ugu dambeyn, Taliyaha ayaa u mahadceliyay Bulshada Boosaaso kuna amaanay sida ay ugu xiran yihiin laamaha amaanka Gobalka Bari isagoona ugu baaqay in intaas ay ka badiyaan oo ay soo sheegaan kuwa geysanaya falalka amni darro si ay gacan bir ah ugu qabtaan Booliska.