Taliska Booliiska Gobolka Banaadir oo beeniyay wararka sheegaya in la xirayo waddooyinka Muqdisho

Taliska Booliiska Gobolka Banaadir wuxuu bulshada Caasimadda Muqdisho ku wargelinayaa in wararka baraha Bulshada lagu faafinayo ee sheegaya in la xirayo waddooyinka waaweyn, isla markaana la hakad gelinayo isku socodka magaalada, aysan waxba ka jirin.

Bulshada waxaa laga codsanayaa in aysan ku qaldamin wararka aan la xaqiijin ee lagu faafinayo baraha bulshada iyo meelaha kale, ayna ku tiirsanaadaan oo keliya xogta rasmiga ah ee ay soo saaraan hay’adaha amniga.

Isku socodka guud ee Caasimadda Muqdisho wuxuu u soconayaa si caadi ah, mana jiro amar guud oo lagu xirayo waddooyinka ama lagu hakad gelinayo isu socodka bulshada.