Taliban oo lagu eedeeyay dilka 13 xubnood oo ka tirsan qowmiyadda Hazara

Warbixin cusub oo ka soo baxday xafiiska Amnesty International ee xuquuqul Insaanka ,ayaa lagu sheegay in wax yar ka dib markii awoodda Dalka Afganistaan ​​ay la wareegeen Taalibaan , ay qudha ka jareen 13 xubnood oo ka tirsan qowmiyadda Hazara,isla markaana ku sugnaa bartamaha gobolka Daykundi .

Amnest, ayaa sheegtay in dilkaasi uu dhacay 30 -kii bishii Ogosto ee la soo dhaafay,ka dib markii kolonyo ciidamo ah oo ka kooban 300 dagaalyahanno ah ay galeen degmada Khidr,halkaana ay ku dileen 13 ruux.

Dadka la dilay ayaa ahaa 11 xubnood oo hore uga tirsanaan jiray ciidamada qaranka iyo laba ruux oo kale oo ay ku jirtay gabar 17-sano jir ah.

Warbixintaan oo la daabacay aanta oo Talaado ah ayaa lagu sheegay in dadka la dilay inta badan ay ahaayeen kuwo isku soo dhiibay kooxda Taalibaan,waxaynay da’doodu u dhaxaysay 26 ilaa 46 jir.

Waa dilkii labaad ee loo geysto qabiilka Hazaras ,ka dib kolkii Daalibaan ay sagaal qof ku dileen gobolka Ghazni bishii Luulyo ee la soo dhaafay ,sida lagu shaagay warbixinta Amnest International ee xuquul Insaanka Qaramada Midoobay.

Oowmiyadda Hazara waa dadka ugu badan Shiicada ee Dalka Afganistaan,waxaana la sheegay in qabiilkaasi ay la kulmeen waxyeello ka soo gaartay Taalibaan sanadihii u dhaxeeyay 1996 iyo 2001-dii.