Tahriibayaal ku dhintay doon kula degtay xeebaha Jabuuti

Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM) ayaa shaacisay in 45 qof oo muhaajiriin ah ay ku dhinteen xeebaha Jabuuti, kadib markii laba doon oo ay la socdeen ay ku quuseen biyaha Badda Cas.

Doonyaha qarraqmay oo kasoo shiraacday dalka Yemen ayaa watay 310 qof, waxaana illaa iyo hadda la badbaadiyay 32 qof oo kaliya.

Lama shaacin weli heybta dadka ku dhintay shilkaas.