Tababarka sannadlaha ee oradka iyo diyaar garowga jir-dhiska ee FIFA oo la daahfuray

Guddoomiayaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta ahna Mdaxweyne Ku-xigeenka CECAFA, Mudane Cali Cabdi Maxamed, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray tababarka Sanadlaha ah ee oradka iyo diyaar garowga jir-dhiska ee FIFA MA Elite 2026, kaas oo lagu xoojinayo, laguna qiimeenayo awoodda iyo tayada garsoorayaasha Soomaaliyeed.

Tababarkan oo qayb ka ah barnaamijyada horumarinta garsoorayaasha ee FIFA, ayaa waxaa ka qeyb galaya 35- Garsoore oo isugu jira Garsoorayaasha Dhexe (Center Referee), iyo kuwa Caawiyaasha ah (Assistant Referees), waxaana inta uu socdo diiradda lagu saarayaa tijaabooyinka oradka, adkeysiga jirka, xawaaraha iyo diyaarinta garsoorayaasha si ay ugu gudbaan imtixaannada caalamiga ah ee FIFA, Waxaana tijaabada imtixaanka qaadaya qubaro ka socota FIFA una kala dhashay Dalalka Jabuuti iyo Zimbabwe, kuwaas oo qiimeenayo awoodda garsoorayaasha Soomaaliyeed.

Guddoomiayaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, Cali Cabdi Maxamed oo furay barnaaminka ee FIFA MA Elite 2026 garsoorayaasha ku boorriyay inay ka faa’iideystaan fursaddan muhiimka ah, wuxuuna xusay in xiriirku uu mudnaan gaar ah siinayo horumarinta garsoorka maadaama ay laf-dhabar u yihiin koboca iyo tayada tartamada kubbadda cagta.

Barnaamijkan oo qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo garsoorka Soomaaliyeed, ayaa la filayaa inuu sare u qaado kartida garsoorayaasha dalka, isla markaana u diyaariyo ka qaybgalka tartamada heer gobol iyo heer caalami.