tababar ku saabsan sugida amniga doorashooyinka golaha shacabka oo ka furmay Bosaaso

Taliyaha qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa maanta tababar ku saabsan sugida Amniga doorashooyinka Golaha shacabka ka furay Magaalada Bosaaso.

Tababarkaan oo soconaya mudo lix maalmood ah,waxaa kasoo qayb galay Saraakiil ka socotay Laamaha kala duwan ee Ciidamada, Qaar kamid ah Wasaaradaha Puntland iyo Xubno ka socday Maamulka Dowlada Hoosse ee Bosaaso.

Xuseen Cali Maxamuud, taliyaha qeybta Booliska gobalka Bari ayaa sheegay in tababarkaan uu muhiimad u leeyahay shaqada la qaban doono si bulshada loogu adeego hufnaan iyo daacad.