Tababar ku saabsan qaab-dhismeedka Sanduuqa Cimilada Cagaaran oo Muqdisho lagu qabtay

Tababar ku saabsan Qaab-dhismeedka Sanduuqa Cimilada Cagaaran (Green Climate Fund – GCF) iyo Ansixinta Qiimaynta Baahiyaha Diyaargarowga Soomaaliya (Readiness Needs Assessment – RNA) iyo Istaraatiijiyadda Ka-qaybgalka Qaybta Gaarka ah (Private Sector Engagement Strategy – PSES) ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho. Tababarkaan ayaa waxa furay Agaasimaha Fulinta Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimilada Soomaaliya ( NFC) Mudane Liibaan Cabsiiye.

Tababarkan ayaa ujeeddadiisu tahay xoojinta awoodda hay’adaha qaranka ee la xiriirta barnaamijyada GCF, isla markaana lagu ansixinayo laba dukumeenti istaraatiiji ah oo muhiim u ah diyaar-garowga Soomaaliya ee helitaanka maalgelinta cimilada, horumarinta mashaariic waara, iyo kobcinta ka-qaybgalka qaybta gaarka ah.

Tababarka oo socon doona 9 ilaa 12 Febraayo 2026, waxaa soo qabanqaabiyay Hay’adda Qaranka ee Wakiilka Cimilada (NDA) Soomaaliya, iyadoo qayb ka ah Barnaamijka Diyaargarowga GCF ee Dalal Badan (AU–AIP Multicountry Readiness Programme), isla markaana kaashanaysa Global Water Partnership Southern Africa (GWPSA).

Ka-qaybgalayaasha tababarka waxaa ka mid ah wakiillo ka socda Hey’adaha dowladda, Hey’adaha maaliyadda, qaybta gaarka ah, bulshada rayidka ah, iyo la-hawlgalayaasha horumarineed, iyadoo tababarkan ay bixinayaan khubaro qaran iyo kuwo caalami ah.