Tirsiga Taariikhda Hijriyada waxaa laga soo bilaabaa markii Nabi Muxamed صلي الله عليه وسلم ka Hijrooday magaalada Makah Al-mukaramah una Hijrooday magaalada Madiina Al-munawarah.
Taariikhda sanadka Hijriga ah wuxuu bilaabmey sanadkii 622 C.D taasi oo ku beegan wakhtigii Nebi Muxamed (N.N.K.H) iyo asxaabtiisa u hijroodeen magaalada Medina waxaana alifey kalaandarka islamka saxaabigii cumar binu khadaab radiyallahu canhu ayagoo ka soo qaxay Makka.
Kalandarka Hijriga ah waxaa laga isticmaalaa wadamo badan oo Islaam ah, waxaana dadka Muslimka ah ku xisaabshaan isla markaana kala socdaan bilaabida bisha barakaysan ee Ramadaan, soo gudashada waajibaadka Xajka, iyo Ciidaha iwm.
Taariikhda Hijriyada Islaamka waa bisha Allaah SW cirka ka soo saaro ee aan tirsano kuna Soono, Kuna Xajino, Zakadana ku dhiibno, waxa uu Sanadka Hijriga ka kooban yahay Labo iyo Toban Bilood oo kala ah.
Bilaha hijriga kalandarka islaamka.
1. Muxarram
2. Safar
3. Rabiicul Awal
4. Rabiicu taani
5. Jamaaddul Awal
6. Jamaaddul Aakhar
7. Rajab
8. Shacbaan
9. Ramadaan
10. Shawaal
11. Dul-qacdah
12. Dul-xijah.
Afar ka mid ah bilaha Hijriga waxaa loo yaqaana kuwo barakaysan, sababtoo ah waa billo aad muhiim ugu ah taariikhda Islaamka.
Afartaasi bilood waa: Rajab (bisha 7aad), iyo sadex bilood oo ku xiga Dul-Qacdah (bisha 11aad), Dul al-Ḥijjah (bisha 12aad) iyo Muxarram (bisha 1aad).
Muxarram Waa bil barakaysan sababtoo ah waxaa mamnuuc ah dagaalka.
Ṣafar meel maran Waxaa loogu magac daray wakhti Carabtii hore ay cunto raadis ku jireen.
Rabic al-awal gu’ga koowaad Waa bil aad ugu muhiim ah dadka Islaamka sababto ah waxaa ku jirta Mowliidka Nebiga.
Rabiic taani gu’ga labaad, Jumādá al-awal Xagaaga hore Wakhti iskugu jira kulayl daran iyo qaboow saa’id ah habeenkii.
Jumada al-akhirah Xagaaga dambe
Rajab sharaf, qadarin Bisha Rajab waa tan labaad ee bilaha Barakaysan, waxaana la mamnuucay dagaalka wakhtigan.
Shacbaan baahsan Waxaa lagu sheegaa in wakhtigan Carabtii hore raadin jireen biyo iyo baad.
Ramaḍaan kulayl gubanaya Kulayl iyo gubasho ayaa lala xiriiriyaa Soonka, sababtoo ah dadka Muslimiinta ahi waxba ma cunaan qorax soo baxa ilaa qorax dhaca.
Sha’waal la koriyay, waa bil muslimiintu ciidaan ciidul fidriga.
Dul al-Qa‘dah La rumastay
Dul al-Ḥijjah bishii xajka Bishani sidoo kale waa bil barakaysan oo dagaalka la xarrimay, sababto ah waa bisha la soo guto waajibaadka Xajka.
Xagee laga bilaabay taariikhda Hijiriga ah?
Taariikhda hijriga ah waxaa laga bilaabay Hijradii nabiga(NNKH ) uu ka hijrooday magaalada Makka una hijrooday magaalada Madiina oo ahayd 22 Rabiic Al awal oo waafaqsaneyd 24 September 622-miilaadiga.
Saxaabadii Nabigu RC waxay isku raaceen in taariikhda laga bilaabo maalintii Hijrada oo ahayd maalintii ugu muhiimadda badnayd Umadda muslimiinta ah waayo ? waa maalintii ugu horreysay ee la aasaasay dowlad islaaamku uu leeyahay ee ugu horreysay, waa maalintii islaamku galay khatartii ugu baxadda weynayd oo gaaladii makka ay kor istaageen godkii uu Nabi Muxamed NNKH uu ku dhuumanayay islarkaana ay isku dayeen iney dilaan.
Iyadoo ay jirtay ra’yiyo kale oo oranaya in laga bilaabo taariikhda islaamka dhalashadii Nabiga( NNKH) ama markii la soo saaray ee rasuulka laga dhigay amaba markii uu geeriyooday.
Waxaana go’aanka la gaaray xiligii uu xukunka islaamka hayay Cumar Binu Khadaab (RC) sanadkii 16aad ama 17aad ee hijriga culumadu taariikhduna way isku yara khilaafsan yihiin halkaa .
Labada Taariikh ee Hijriga iyo Milaadigu maxay is dheeryihiin?
Waxay is dheeryihiin labada taariikhood waa 11cisho oo ah wareega dayaxu uu ku wareego dhulka 12 jeer waa 354 maalin , taariikhda miilaadiga ah dhulku waxa uu qoraxda ku wareega halmar 365 maalin, sidaa darteed labada taariikhood midna waxay xiriir la leedahay daxaya halka tan kalena ay xiriir la leedahay qorraxda.
Shaki kuma jiro in ummad kastaa ay leedahay taariikh ay ku faanto oo muhiim u ah nolosheeda ilbaxnimo iyo horumarkeeda gaarka ah.
ummad kasta oo dunida ka jirtaa waxay ku faantaa taariikhda ay leedahay oo ay buunbuunisaa kuna shaqeysaa, waxaase isweyddiin leh xilliga aan ku baraarugi doonno waa goorma qiimaha taariikhdeennu ay leedahay.
Haddaan ka mid nahay muslimiinta adduunka waxaan leenahay taariikh aad u qiima badan oo ay mudan tahay in laga hadlo.
Diyaarin Cabdisalaan Sidiiq